Britain oo dhaqaale xoogan u gacan galisay dowladda Farmaajo (Imisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka dowladda Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia lagu wareejiyay dhaqaale xoogan oo loogu tallo galay in lagu maareeyo dadka la il daran Abaaraha ka jira Somalia.

Carte ayaa sheegay inay bilaabatay qabashada lacagaha deeq bixiyaasha waxa uuna sheegay in iminka Dowlada Britain ay bixisay lacag dhan 120 Milyan oo lagu maareyn doono xaaladaha degdega ah ee ka taagan Gobolada dalka.

Carte waxa uu sheegay in lacagahaasi lagu maareyn doono dadka ay silcisay abaarta, waxa uuna cadeeyay in lacagtaasi la gaarsiin doono dhammaan Gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaraha.

Sidoo kale, Carte waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dadkaan Soomaaliyeed ay isku gurmadaan , islamarkaana ay isku dayaan in ay ka madax banaanaadaan deeqaha ugu yimaada Beesha Caalamka.

Deeqdaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo soo gaartay Dowlada Somalia taa oo lagu maareynaayo Abaaraha ka jira Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com