Dalku dibin-daabyo uma baahna, dadkuna dandarro waa ka daaleen (Farriin ku socota madaxda DFS)

Baarlamaankii Umadda Soomaaliyeed laba ayuu u kala jabay, madaxdii dalkana iyaga ayaa isku maqan si ay isku dagaan, iyadoo siyaasadda dalku ay markale kusoo noqotay iskooxeysi.

Sida aan aaminsanahay, tallaabooyinka ay qaadayaan Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ah mid aan natiijadeeda dhowr jeer horay usoo aragnay, waa mid rajo xumo ku abuureysa qalbiga Soomaali kasta, oo soo niyad-samaaday bilowgii sannadkii hore.

Baarlamaan mooshin keena, iskooxeysi siyaasadeed iyo turub-siyaasadeed u dhexeeya madaxda Dowladda dhexe, ayaa socday tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Koox walba sida iska cad, waxay dooneysaa inaan qosolka guusha looga dambeyn. Si taageero loo helana, dhaqaalihii dalka ee ammaan kobaceedka adduunka ka helay, ayaa qasnadaha lagala baxayaa, si loogu qarash gareeyo hadaf siyaasadeedka koox ama shaqsi.

Intii lagu jiray khilaafkaan siyaasadeed ee aan illaa haatan xalka loo helin, isku dheelli-tirnaantii ammaanka ayaa meesha ka baxday, iyadoo qaraxyo fara-badan iyo dilal qorsheysan caasimadda Mogadishu laga geystay, sidaas darteed waxaa muuqata in laga faa’iideystay khilaafka Madaxda dalka oo iyagu isku jeestay. Mana aheyn wax loo baahnaa.

Aniga ahaan, ilama habboona inaan sugno cidda guusha qaadi doonta, waxaana qabaa in habka ugu wanaagsan ee aan horumarkeennii dowladnimo kusii wadan karno uu yahay isku-tanaasul iyo wada-shaqeyn dhab ah, si aan horay ugu soconno, adduunka xumaanteenna jecelna uu wanaaggeenu gaaro.

Labadii is-khilaafsan waxaan qabaa in miiska wadahadalka la isugu keenno, iyadoo la isku calool-fiyoow yahay heshiis la dhex-dhigo. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, oo aan ku ammaanayo qaabkii uu xalka ugu wanaagsan ugu helay, fadeexaddii la saadaalinayey inay ka dhici doonto haddii la qaban lahaa Kalfadhiggii BFS ee Sabtidii iyo masuul walba anigoo aan magacyadooda xuseyn waxaan si gaar ah uga codsan lahaa in aysan naga daboolin isha rajo ee inoo baxaysa.

Gunaanadka maqaalkeyga yar, waxaan madaxda Umadda Soomaaliyeed ka codsanayaa, dalku dibin-daabyo wuu ka daalay, dadkuna uma baahna dandarro, sidaas darteed doorkiinna qaata oo dalka iyo dadka u daneeya, danteennana ka shaqeeya. Danta guudna halaga hormariyo danaha gaarka ah, tanaasulkuna waa tanaadka shacabka Soomaaliyeed.

Qormadii: Zakarie Mahamed Axmed