Dastuurka dalka ma ku jiraa qodob muddo u qabanaya dhismaha xukuumadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay xoogeysatay dood ku saabsan mudada uu Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre sharci u heysto inuu ku soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Abukaate Cali Xalane oo la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay in shuruucda dalka uusan ku jirin qodob Ra’iisul Wasaaraha ku cadaadinaya inuu soo dedejiyo magacaabidda golihiisa wasiirrada.

“Shuruucda dalka waxaa ugu weyn dastuurta, markii la baaro dastuurka, ma jirto meel lagu cayimay mudo Ra’iisul Wasaaraha laga doonayo inuu ku soo dhiso xukuumadiisa,” ayuu yiri Abukaate Cali Xalane.

Sidoo kale Abuukaataha ayaa sheegay in dhismaha dowladda ay muhiim u tahay in Ra’iisul Wasaaruhu uu waqti badan qaato, si xukuumad tayo leh uu u soo dhiso. Abuukaate Cali Xalane ayaa Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre kula taliyey in xukuumadiisa uu soo koobo oo wasiirro tiro yar, tayana leh uu soo magacaabo.

“Ra’iisul Wasaaruhu waa in wasiirradii tirada badnaa wax qabadkooduna yaraa uu soo koobo, beelaha ayaa lagu qanci jiray tirada badan ee wasiirrada, laakiin maanta waxaa loo baahan yahay in yar oo wax u tari karta shacabka Soomaaliyeed, si dhaqaalaha ku baxayana uu u yaraado,” ayuu yiri Abuukaatuhu.

Sidoo kale talooyinka uu u soo jeediyey Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa in golihiisa wasiirrada uusan ka soo dhex xulanin baarlamaanka, taas oo baajineysa in hal masuul uu labo mushaar ku shaqeeyo.

“Xukuumadda iyo baarlamaanku waa kala madax-banaan yihiin, marka hadii golaha wasiirrada baarlamaanka laga keeno, waxaa dhacaya isku milan iyo tayo xumo, waxaa meesha ka baxaya isla xitaabtanka iyo tartanka shaqada,” ayuu yiri Abuukaate Cali Xalane.

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa hadda wada xulashada xubnaha uu u soo magacaabayo golihiisa wasiirrada, kuwaas oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo.

Hadalheynta magaacibadda golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa xoogeysatay saacadihii u dambeeyey, maadaama ay Ra’iisul Wasaare Xamze u dhamaatay mudo 30 cisho ah oo laga sugayey inuu soo bandhigo liiska xubnaha uu u xushay golihiisa wasiirrada.

Hoos ka daawo hadalka Abuukaataha