Sawirro: Xasan Sheekh oo la guddoon siiyay billada ugu sareysa dalka Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu qasriga madaxtooyada Jabuuti ku guddoon siiyay abaal marinta (bilad) ugu sareysa dalka Jabuuti ee uu bixiyo madaxweynaha.

Munaasabad aad u qiimo sareysay oo lagu casuumay safiirada dalalka caalamka ee Jabuuti ku sugan iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo hab maamuus aad u sareeya loogu muujiyay munaasabadaasi.

Hadal uu munaasabadaasi cashada aheyd uu ka jeediyay Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale dib loo doortay Xasan Sheekh iyo mashruuciisa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

“Jabuuti waxay ahaan doontaa saaxiibka mudnaan koowaad leh iyo inaan taageerno go’aanka saxda ah ee ay qarankan walaalaha ah ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan maqaamkeedii hore ee heer gobol, qaarad iyo heer caalami,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Xasan in uu nagu soo booqdo dalkeenna in kasta oo uu ajandihiisa aad u mashquulsan yahay, waxa ay tusaale u tahay walaaltinimada aan la qiyaasi karin ee isku xirta labadeena dal” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

“Waa muhiim in la xoojiyo xidhiidhka gaarka ah ee wadajirka, kaalmaynta labada dal iyo wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, madaxda ugu sarraysa ee rayidka ah iyo kuwa milateriga ah ee dalka ku sugan, iyo wakiillada qunsuliyadda iyo diblomaasiyadda ee dalka Jabuuti fadhiya ayaa ka qayb-galay casho-sharafta rasmiga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay isagoo ku maamuusaya dhiggiisa Soomaaliya.

Hoos ka daawo sawirrada