Deegaan cusub oo lagala wareegay Al-Shabaab iyo magacyada xubno laga dilay

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Deegaanka Xawaadleey ayaa lasoo wariyay in Militariga Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidankii AL-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu khaarijiyey seddex hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Magacyadda horjoogeyaasha ay dowladda sheegtay in la dilay ayaa kala ah Maadeey Madoobe, Xamaali Kalombe iyo Mukhtaar Gabigoor.

Xawaadley oo ah degaan beereed muhiim u ah dhaqdhaqaaqa gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku lahayd fariisimo ay kamid yihiin maxkamado iyo goobo canshuur.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDA

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa:

1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u geystaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada qatarka ah ku aha nolosha dadka iyo jiritaanka dalka iyo diinta.