Sawirro: Ciidankii ugu badnaa ee Murusade oo diyaarad looga qaaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaweyd garoonka diyaaradaha ee Aadan Caddde ka dhoofay diyaarad siday ciidamo badan oo si weyn u hubeysan iyo noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka.

Ciidamada ka dhoofay garoonka Aadan Cadde oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya gaar ahaan beesha Murusade ayaa qeyb ka noqon doono kacdoonka ka socdo gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si gaar ah waxay ciidamadaan ka howlgeli doonaan degmada Maxaas, waxaana la qorsheenayaa inay kadib usii gudbaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay degto beeshaan.

Ciidamadaan oo hordhac ah iyo qaar kale oo berri lagu wado inay baxaan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, iyadoo qeyb ka ah abaabulka dagaalka lagu qaadayo Al-Shabaab.

Abaabulka Ciidamada qaabka beeleed loo diyaariyay ayaa ka socda Gobollada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana qeybihii ugu horeeyay ay saldhig ka dhigteen degmada Cadalle, iyadoo weli aanay bilaaban howlgalladii dagaalka.

Ciidamada Muqdisho ka baxay ayaa imaanayo kadib xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ka codsadeyn inay qeyb kasoo noqdaan kacdoonka ka socdo gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheyso kacdoonkii ugu weynaa muddo 15 sano ah oo ay ka dagaalameyso gudaha Soomaaliya, waxaana la qiyaasi karin halka uu ku dambeyn doono.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa uu gaabis ka muuqday kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo loo sababeynayo in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ka gaabisay.