Soomaaliya oo ku guuleysatay koobka CECAFA ee 17 jirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa ku guuleystay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA) kadib guul weyn oo ay ka gaareen xulka qaranka South Sudan.

Soomaaliya ayaa bilowga cayaartay la hormatay gool uu dhaliyey Cabdixafiid oo ahaa cayaaryahankii dhaliyey goolkii guusha ee kulankii hore, waxaana qeybta hore ee cayaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Soomaaliya ku hor kaceysay.

Qeybta labaad ee cayaarta xulka qaranka South Sudan ayaa iska soo guday goolkii lagu lahaa waxayna cayaarta ka dhigeen 1-1.

Daqiiqado kadib xulka qaranka Soomaaliya ayaa u suurta gashay inay dhaliso goolkii labaad ee cayaarta, waxaana markaasna shabaqa ku hubsadau Cabbdiraxiim Muxiyaddiin Daahir oo ah xidigga Soomaaliya uga cayaarayey Number 9.

Isla Cabbdiraxiim Muxiyaddiin Daahir ayaa daqiiqado kadib Soomaaliya u dhaliyey goolkii seddexaad oo ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey wadnaha jaray taageerayaasha iyo xidigaha xulka qaranka South Sudan maadaama rajadooda ay ceel ku dhacday.

Cayaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhammaatay 3-1 waxaana sidaas koobka ku qaaday xulka qaranka Soomaaliya taasoo farxad weyn u ah Soomaaliya.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo loogu sameyn doono soo dhaweyn weyn.