Qarrax xoogan oo mar kale ka dhacay..

Buurdhuubo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarrax xooggan uu ka dhcay degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo.

Qarraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada waxaana halkaas joogay ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

Sidda ay lee dadka deeganka, qarraxa oo loo adeegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, ayaa u muuqaday mid horrey loogu sii diyaariyay maqaaxidda dhexdeeda.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, balse xog badan lagama hayo inta uu gaarsiisan yahay.

Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ayaa u gurmaday dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxa miino ee lagu sii diyaariyay maqaaxida ku taala Degmada Buurdhuubo.

Saraakiisha Dowladda ee ka hawlgala Degmada Buurdhuubo, ayaan weli ka hadlin qaraxa Ciidamada Dowladda iyo dadka rayidka ah lagula eegtay maqaaxidda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Caasimada Online