Meydadka askarta Jabuuti ee Somalia lagu dilay oo la geeyey wadaankooda

Djibouti (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha  magaalada Jabuuti ka degtay diyaarad siday meydka lix askari oo reer Jabuuti, kuwaasoo ku dhintay weerar iyo qarrax ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aas qaran oo lagu maamusayo askarta geeriyootay loo sameen doono.

Meydka askarta reer Jabuuti oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay garoonka madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo dhammaadka dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in uu tacsi uu diraayo dhammaan ehelada ay ka dhinteen askarta lixda ah, waxaana ku dhaawacan uu u rajeeyay caafimaad buuxa.

Wuxuu madaxweynaha sheegay oo kale in aaney wax saameen ah ku yeelan doonin askarta Jabuuti looga dilay Soomaaliya, isagoona caddeeyay in ay ka go’antahay dowladiisa in ay walalahood Soomaalida ay helaan nabad iyo barwaaq.

Lixda askari meydkooda la keenay galabta Jabuuti, waxa ay tirada guud ahaan ciidanka Jabuuti uga geeriyooday howgalka AMISOM ka dhigaysaa ku dhawaad 10 askari.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Djibouti
Caasimada@live.com