Shabaab oo dib u qabsaday Camaara iyo Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Camaara (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan. 

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye. 

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta dagaalka ah, dhowr askarina ku dishay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada dowladda iyo maamulka Galmudug oo la xiriira qabsashada Al-Shabaab ee Bacaadweyne iyo Camaara.