Dhageyso: Shariif Xasan oo war culus kasoo saaray golaha wasiirada cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in deg deg loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo xildhibaano badan ay kasoo horjeesteen.

Shariif Xasan ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulan dadweyne oo dadweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay kula xisaabtamayeen dowladda, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar xooggan oo dad iyo duunyaba laysay, loona baahan yahay dowlad wax ka qabata, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in iminka la mucaarado dowladda cusub.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo horjeeda xildhibaano kor u dhaafaya boqol, oo uu hormuud u yahay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu ka carreysan yahay in saaxiibadiisa aysan wasiiro helin, ayada oo wasiirada Digil iyo Mirifle badankood ay yihiin kuwo ku xiran Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana muuqda loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya labada nin.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in iminka uu wado olole uu xildhibaanada beeshiisa ee raacsan Jawaari ku kala furfurayo, si ay codka kalsoonida u siiyaan xukuumadda.

Goor si horeysay ayey Caasimada Online qortay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la xiriiray Shariif Xasan, kana codsaday inuu xildhibaanada maamulkiisa la hadlo.

halkaan dhageyso codka Shariif Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com