26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Qandala oo dhanka badda laga duqeynayo iyo xaalada oo kasii dartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeymo culus maanta ku dhaceen xaafado kamid ah degnadaasi oo ku taala dhinaca xeebta gobolka Bari.

Madaafiic xoog badan oo laga soo ridayo dhanka Badda ayaa ku dhacday xaafado kamid ah degnada Qandala ee gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in ciidamada NATO ay dhanka badda kasoo ridayaan madaafiicdaasi.

Ciidamo ka tirsan kooxda daacish ayaa la sheegayaa iney wali ku dhuumaaleysanayaan degmada Qandala ee gobolka Bari, taasi oo qasabtay in la duqeeyo magaalada.

Ciidanka Puntland ayaa kaabiga ku haya degmada Qandala , waxaana ay u jiraan masaafo dhan 6 km sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Kooxda Daacisha ayaa la sheegaya in ay dhufeysyo adag ay ka sameysatay dhulka Qarka ee ku dhow Magaalada Qandala.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo Duqeynta  kasocota Magaalada Qandala khasaaraha ka dhashay.

Xaalada Magaalada ayaa Maanta kacsan waxaana la sheegaya in qeybo ka mid ah Magaalada ay burburiyeen duqeynta ay geysanayaan  ciidanka NATO.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News