26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xasan: Si kasta oo aad caalamka ugu dacwootaan ma badali karaan qaanuunka dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo xalay la kulmay wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa la qeybsatay marxaladaha kala duwan ee ay wariyaasha ku shaqeeyeen.

Xasan Sheikh Maxamuud oo markii dambe si caadi ah ula sheekeystay maamulada warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ay mareyso meel xasaasi ah oo warbaahinta looga baahan yahay ka taxadaraan wararka qaar.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya doorashooyin ay ka dhacayaan sanadkaan, loona baahan yahay in wariyaasha marka hore ay fahmaan doorashada iyo sharuudaha ay leedahay kadibna ay baahiyaan wax wanaagsan.

Dhanka kale mar uu ka hadlay cabashooyinka ay inta badan caalamka u gudbiyaan ururada warbaahinta ayuu sheegay in caalamka marka loo dacwooda uusan waxba ka badali karin marxalada Soomaaliya iyo qaanuunka dalka u yaala.

“Haddii caalamka aad u dacwootaan walaahi caalamka marnaba ma badali karo qaanuunka dalka u yaala, mid aan isla fahano dhibaatada wariyaasha gaarta waan ka xunnahay waxna waan ka qabaneynaa bale maahan inaan caalam aan waxba noo qaban karin u dacwoonaa”ayuu yiri xasan Sheikh.

Wariyaasha iyo agaasimayaasha uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday dhankooda in waddo wanaagsan loo maraa ciqaabta wariyaha qaladka gala, halkii ciidamo loo adeegsan lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News