Wareysi Aljazeera: Imaaraadka oo iska fogeysay R/W CC iyo Shariif Xasan

Dubai (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo la hadlayay TV Aljazeera ee afka Carabiga ayaa si adag iskaga fogeeyay wararka la isla dhexmaraya ee sheegaya in ay dowladda Imaaraadka tageerayso musharax gaar ah, gaar ahaan Cumar Cabdirashid.

Afhayeenka ayaa waxa hadaladiisa ka mid aha “Go’aanka cida Soomaaliya hogaaminayso Soomaali ayaa ay u taalaa, anaga Waxaan ka caawinaynaa umadda Soomaaliyeed in ay hesho nabad waarta Iyo Horumar”

Umadda Soomaliyeed danaynayso in ay ka baxdo qalaalasaha siyaasadeed ee ku raagtay, una baahan tahay hogaan iyo waji cusub oo aan wax raad ah ku lahyn fashilkii ku yimid siyaasadda Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa uu intaa ku daray “Dowlada imaaraadka waxa ay u taagan tahay in ay garab istaagto xiligaan Kala guurka ah shacabka soomaaliyeed ee xiriirka taariikhiga ah Kala dhaxeeyo”

Dowladda Imaaraadka ayaa u rogtay shirkii aay ku fashilmeen in uu ahaa mid lagu dhexdhexaadinayay dowlad goboleedyada Galmudug & Puntland, iyagoo markaa shalay ku qasbay in aay heshiiyaan.

Warkaan ayaa ay u muuqda in ay si cad u muujinayso dowladda imaaraadka in aanay marnaba taageeri doonin R/W CCC & Shariif Xasan.

Afhayeenka ayaa sheegay in aay aad uga xumaadeen daacayadaan Been abuurka ah ee laga faafiyay doowladooda. Hadalka ka soo yeeray afhayeenka ayaa Waxaa uu dhabar jab ku yahay R/W Cumar Oo Isaga lacag ku bixiyay in warbaahinta Soomaalida lagu faafiyo hadalkaan si uu u kasbado tageerayaal.

Warkaan ayaa ku soo aaday xili shirkii Horay u socday la soo gabagabeeyay. Maamul goboleedyaddiina dalka dib ugu noqdeen.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com