30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Degmadii kooxda Daacish tageen oo duqeyn lala dhacay iyo xaalada oo kacsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari oo dhawaan kooxda Daacish ay la wareegtay.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay iney badneyd waxaana ay ku dhacday deegaano badan oo ku yaala degmada Qandala ee gobolka Bari.

Lama oga duqeynta cidda geysatay mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.

Duqeynta ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii inka badan 60 askari oo Daacish ay qabsadeen degmadaasi walow markii dambe ay isaga baxeen.

Xaalada degmada ayaa ah mid kacsan waxaana jirta cabsi xoogan oo soo wajahday dadka ku nool degmadaasi oo maalmahaan ka baqayay in lagu dul dagaalamo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News