DF oo dooneysa inay soo qaado haweenka Soomaalida ah ee ka tirsanaa Daacish ee ku sugaan Xerada Al-Hawl

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday qorshe ah in la isku dayo in dib loo soo celiyo haweenka soomaali- iswiidhishka iyo carruurtooda ee ku sugaan xerada IS ee Magaladda Al-Hawl Gudaha Dalka Syria.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Radio Sweden oo la xiriiraay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mudane Cali Saciid Faqi, kaasi oo uu ka warreystay xaladda muwaadininta Soomaliyeed ee labadda jinsiyadood leh iyo mowqifka ay ka qabaan dhankood kan dawlad ahaaned.

Mudane Faqi Ayaa yiri “Run ahaantii Waa Muwadiniin Soomaaliyed oo uu bahan gargar waana waajib na saaran ka dawlad ahaan waa in aan garab istagno muwadiniyiinteena, Inkast haweenka halkaas ku sugaan ay yihiin haween haysta jinsiyado dadalka kale waa in aynu ka war sugnaa Dalalka ay jinsiyadahooda haystan marka hore.”

“Anaga ka xukumadd ahaan waxaan haysana go’aan uu Madaxweynaha Soomaaliya horey u go’aamiyey oo ahaa in haweenka iyo carruurta doonaya in la geeyo Soomaaliya aynu soo qaadno” ayuu Cali Saciid Faqi ayaa u sheegay Idaacada Ekot ee Dalka Sweden.

Dhanka kale, Danjire Fiqi ayaa sheegay in haweenka iyo carruurta ay Soomaaliya soo celineyso aan maxkamad lasoo taagi doonin, maadaama buu yiri aysan Soomaaliya dembi ka gelin kana soo socdaalin.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Kurdiyiinta, kala bar haweenka Swedishka ee xerada ku jira ayaa asalkoodu Soomaali yahay, Tiradooda waxaa lagu qiyaasa in ay uu dhexeeyso 30 ilaa 40 qof.

Sikastaba ha ahaatee, soo qaaditaankan haweenka iyo carurta ayaan la hubin, sida uu ugu surto gali karo iyo inta uu qadanaayo hawshan adag.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden arrinkan dusha way ka ogtahay waxaayna ka haysa macluumaad in kastoo aysan dooneyn in ay faaloo ka bixiyaan, Sida uu qorshuhu yahay dhanka haweenka iyo caruurtoda haysta labada dhalasho ee aan wali lagu soo celin dalka sweden.

Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ma rabto inay faahfaahin ka bixiso faahfaahinta ku saabsan qorshayaasha Xukumadda Soomaaliya ay damacsan tahay ee dhanka muwadiniyiintooda.

Julia Eriksson Pogorzelska, oo ah xiriiriyaha saxaafadda ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sweden, ayaa u sheegtay Idaacada TT: sida tan “Waan ognahay macluumaadkaas, laakiin ma ahan wax aan ka hadli karo hadda.”

Somali-iswiidhish ka mid ah walidiinta ay caruurtooda ku sugan yihiin xerada Al-Hawl ee Dalka Syria ayaa uu safray magaalada Muqdisho si ay isugu dayaan inay Xukumadda Soomaaliya ay Cabashadooda Dhageysato.

– Way na dhagaysteen, waxaan fursad u helnay inay na dhagaystaan. Laakiin kama helin arrintaas mas’uuliyiinta dalka Sweden, ayuu yiri aabbe isku dayaya inuu gabadhiisa dib ugu soo celiyo dalka. Sidaa ayuu uu sheegay Idacadda Ekot.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group