DF oo Golaha Ammaanka u dirtay warqad digniin culus oo la xiriirta doorashda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Golaha Ammaanka QM uga digtay inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa jawaab u ah hadal ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha Golaha Ammaanka, ahna danjiraha Mareykanka ee QM Linda Thomas-Greenfield, taasi oo aqrisay bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Qoraalka ay aqrisay Linda Thomas-Greenfield ayaa Golaha Ammaanka wuxuu walaac uga muujiyey is-mari waaga doorashada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada inay wada-hadallo deg deg ah isugu yimaadaan ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

“Iyada oo tixraaceysa hadalladii ay 31-kii March jeedisay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Golaha Ammaanka Mrs. Linda Thomas-Greenfield, dowladda federaalka waxay qadarin iyo mahad-celin u muujineysaa fikradaha lasoo jeediyey, taageerada fog ee xubnaha Golaha Ammaanka ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo qadarintooda ku aadan madax-banaanida, sharafta dhuleed, midnimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay ku war-gelineyso Golaha Ammaanka in arrimaha doorashada ay yihiin kuwa ay yaalla Soomaaliya, oo aysan shaqo ku lahayn cid kale.

“Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowladda federaalkaa ee Soomaaliya waxay u aragtaa faro-gelin kasta oo jilayaal dibedda ah ku sameeyaan hanaanka doorashooyinka qaranka inay tahay faro-gelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha, taasi oo jebineysa qaraarada Golaha Ammaanka, xeerarka caalamiga ah iyo sharciyada.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalka ku caddeysay in amniga doorashada dalka uu mas’uul ka yahay Gudiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka aqriso warqadda