QARAX khasaare geystay oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa oo nocoa miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Biyo-Dega Heliwaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo qof oo shacab ah oo wadada marayey ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu dhaawac culus soo gaaray wadaha gaariga qaraxa lala beegsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geystay shacabka.