DF oo ka hortimid HESHIISKA Somaliland iyo TAIWAN

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadashay xiriirka gaarka ah ee ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin ay ku hormarinayaan xiriirka labada dhinac.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac iyo xiriirkooda ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyo sida ay Taiwan ula dhaqmeyso Somaliland & wada-hadallada u billaabmay.

Cawaale ayaa shaaca ka qaaday inay mar weliba ay u taagan yihiin ilaalinta madax banaanida qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Taiwan ay u aqoonsan yihiin gobol ka mida Shiinaha, isla-markaana  tallaabooyinka qaaday horseedeyo xasilooni darro ka dhacda gobolka.

“Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababtoo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu sii raaciyey Danjire Cawaale.

Dhinaca kale safiirka ayaa ka horyimid heshiiska khayraadka ee ay wada-galeen Somaliland iyo Taniwan, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in aysan ogolaan doonin in Taiwan ama cid kasta oo isku dayda inay ay dhacdo kheyraadka Somalia, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah.

Somaliland iyo Taiwan ayaa sanadihii u dambeeyey xoojiyey xiriirkooda, waxayna laba dhinac gaareen heshiisyo dhowr ah, walow Soomaaliya iyo Shiinaha ay ka hor yimaadeen tallaabooyinka ay qaadeen labada dhinac, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee ay sameysteen.