K/Galbeed oo tallaabo lama filaan ah qaaday, kadibna…

Baydhabo (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Kooinfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii degmada maamulka Baydhabo isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Tallaabadan oo ah mid lama filaan ah ayaa waxa ay wasaaraddu sheegtay inay ku timid, baahi loo qabo in la helo maamul cusub, kadib talo soo jeedin ka timid guddoomiyaha gobolka Baay.

”Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen loo magacaabo magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta guddoomiyaha gobolka Baay uu sameeyay magacaabistan,” ayaa lagu yiri digreetada soo baxay.

Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ayaa waxaa isna loo magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali, halka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa fartay maamulka cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xafiiska, si loo dadar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaallo.

Si kastaba, Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.