DF oo soo bandhigtay xubno kasoo goostay Al-Shabaab oo ‘u adkeysan’ waayey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay laba xubnood oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, oo xiligaan uu dagaal culus uga socda qeybo badan oo dalka.

Labadaan nin oo lagu kala magacaabo Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo Salaad Maxamed ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Sawirada labada nin ayay sidoo kale baahisay warbaahinta dowladda.

Raggan ayaa ku dhawaad lix sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen, waxayna ka qeyb qaateen dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolada dalka.

Waxay sheegeen inay u adkeysan waayeen dhibaatada ay la kulmeyso Khawaarijtii ay ka tirsanaayeen, taasi oo ku qasabtay inay ka soo haraan jidkii qaldanaa ee Shabaab oo dowladda Soomaaliyeed iyo dadkooda ay cafis weydiistaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taasi oo loo arko inay bilow u tahay dhamaadka kooxda.

Madaxda sare ee dalka ayaa hore ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan, xili uu socdo dagaal si weyn loogu jabiyay Al-Shabaab.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.