Puntland oo ka jawaabtay sheegashadii Somaliland, weji kalana u yeeshay dagaalka

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale war kasoo saartay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa waxa lagu sheegay in maamulkooda uusan qeyb ka ahayn dagaalka socda, taasi oo meesha ka saareysa sheegashadii Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa goor sii horeysay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay maxaabiis ay qeyb ka yihiin ciidanka PSF ee dowlad-goboleedka Puntland, inkasta oo aysan soo bandhigin wax muujinaya sheegashadaasi.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa waxa lagu macneeyay dagaalka socda mid reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan ciidamada Somaliland, ayada oo nasiib darro ku sheegtay in maamulka Muuse Biixi ku tilmaamo shacabka iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin argagixiso.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka shacabka ah ee mudada 15-ka sano ahayd ku haysta shacabka magaalada Laascaanood caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaradiis uga khasbaan rabitaankooda gooni goosaadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed.”

“Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada. Puntland sidii ay horeyba u sheegtay waxay soo dhaweynaysaa in dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.”

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu magacaabayo guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada, ayada oo hay’addaha caalamiga ah ugu baaqday in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmayba.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxaa Somaliland loogu baaqay in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ku hayso, islamarkaana kala baxdo ciidankeeda magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee gobolka.

Dagaalka Laascaanood oo socda maalintii labaad oo xiriir ah ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan.