DF oo soo saartay amarro culus kusoo rogtay Kenyan-ka imanaya Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday shuruudo cusub oo ay ku xireyso dadka Kenyan-ka ah ama sita Baasaboorka dalkaas ee imanaya Soomaaliya, xili uu sii xumaanayo xiriirka labada xukuumadood ee Nairobi iyo Muqdisho.

Warqad maanta kasoo baxday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee dalka ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uusan soo geli karin qof sita baasaboor Kenyaanka, ilaa uu safaaradda Soomaaliya ee Nairobi kasoo qaato dal ku-galka. Kenyan-ka ayaa markii hore dal ku-galka ka qaadan jiray garoomada Soomaaliya, marka ay yimaadaan.

Hay’adda Socdaalka ayaa xustay in go’aankan cusub ay ku fulinayso siyaasada dowladda federaalka ah, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo hagaajinta habka socdaalka dalka, xili ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya dhigeeda Kenya ku eedeysay faro-gal ka dhan ah arrimaha doorashooyinka.

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda dowladda federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha caabuqa Covid-19, laga bilaabo December 13, 2020-ka, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan dhulka Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahay dal ku-gal, waxayn kasoo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka hayadda.

Sidoo kale waxa lagu sheegay go’aanada kasoo baxay Hay’adda socdaalka in Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraysa baasaboorka Dublamaasiga ah looga baahan yahay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa xili ay dowladda federaalka Soomaaliya eedeymo culus u jeedisay xukuumadda Nairobi, iyada oo dhawaan ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, una yeeratay safiirkeedii Nairobi.

Waxay u muuqata inay Soomaaliya bilowday dagaalka ka dhanka ah Kenya, kaasi oo si adag uga digeen musharaxiinta mucaaridka oo ku tilmaamay “cadaawad cusub oo la rabo in madaxda dalka ay ku galaan olole doorasho.”