Lafta-gareen oo ka jawaabay si weyn-na u naqdiyey arrin uu ku doodo Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay Shirkii Madasha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddiyada lagu muransan-yahay.

Lafta Gareen ayaa sheegay in heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho uusan meelna kasoo galin Cabdi Xaashi, oo ku doodaya inuu yahay siyaasiga ugu mudan inuu soo xulo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada Waqooyi.

“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha Somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran-yahay, waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin Cabdi Xaashi baa looga dambeynayaa guddiga Somaliland,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ay awood buuxda u siiyeen in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabo guddiyada Somaliland, kaasi oo uu raali ka ahaa ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed oo Somaliland ka soo jeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan caqabad weyn laga dhigin diidmada Cabdi Xaashi, iyada oo uu nasiib wanaag ku tilmaamay in gebi ahaanba la aqoonsan kaalintiisa oo aan lagu soo hadal qaadin heshiiskii Muqdisho, isla markaana horay looga socdo.

“Wey cadahay heshiiskana way ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaabaya (xubnaha Somaliland) waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed oo Somaliland kasoo jeeda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Cabdi xaashi waa oday Soomaaliyeed, guddoomiyaha aqalka sare waaye, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kamid yahay ninkii wax la rabay in asiga in loo dhiibo aheyd marka meesha la joogay in heshiiska lagu daro oo la qoro aheyd nasiib wanaag laguma qorin, haddana in la soo xusuusto oo caqabad laga dhigo uma arko in horay loo socdo ayaa qabaa”.