DF oo WAR cusub ka soo saartay xaaaladii maanta ee Coronavirus ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya  Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka ay ka qaadanayaan la dagaalkanka cudurka COVID-19.

Wasiir Fowziya Abiikar ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed laga helay Coronavirus, maadaama dhakhaatiirtu ay safka hore uga jirto la dagaalanka cudurkan, iyadoo ku amaantay in naftooda ay u hurayaan, badbaadinta bulshada inteeda kale.

Dhakhaatiirta uu ku dhacay cudurkaas ayey sheegtay in ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadkooda, waxayna Alle uga barisay iyaga iyo dhammaan dadka kale ee cudurkani ku dhacay in uu caafiyo.

Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ayaa cadeysay in maanta aan la diiwaan gelin xaalad cusub oo COVID-19 ah, balse ay jiraan dad maanta baaritaano lagu sameeyay oo jawaabahooda weli la sugayo.

Ugu dambeyntii Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geyneyso sidii looga hortegi lahaa khatarta cudurka Coronavirus, waxayna bulshada mar kale ka dalbatay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka ee loo soo jeedinayo.

Halkan ka Daawo