DF oo war kasoo saartay wararka sheegaya in la beddelay qareenadii difaacayey badda

Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo mudooyinkii dambe Warbaahinta qaar iyo mucaaradka dowladda ay baahinayeen warar ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay cayrisay qareenadii difaacayay Soomaaliya ee gacanta ku hayay kiiska badda, ayaa waxaa dowladda ka soo baxday jawaab ku aadan hadal heyntaas.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi oo ka hadlay arinkaas ayaa sheegay in aysan jirin loo yarro la eryay, isla markaana looyarrada hadda gacanta ku haya kiiska badda ay yihiin kuwii lagu bilaabay.

Inta badan dadkii ka hadlayay arinta looyarrada la ceyriyay ayaa ku hal qabsanaayay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Sharmaan, taas oo ka mid aheyd qareenada Soomaaliya ee lagu bilaabay difaaca kiiska badda Soomaaliya, taas oo ay sheegayeen in ay ceyrisay dowladda federaalka.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka jawaabayay arinta gabadhaas iyo looyarada kale ayaa yiri, “Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed kiiska maalintii uu soo bilaawday ilaa goor dhaw ayey ku jirtay, muddo laga joogo 4 bilood ayey lasoo xariirtay Madaxweynaha, waxayna ku tiri waan ka cudur daaranayaa sii wadidda kiiskaan, waxaan shaqo ka helay Bank Aduunka sidaas ayaana lagu fasaxay, marka Muna waxay naga istaahishaa in loo abaal gudo in laga faafiyo waala ceyriyana ceebay nagu tahay”.

Mar uu ka hadalayay looyarrada kale ayuu yiri Danjire Fiqi, “Tan la leeyahay looyarro cusub ayey dowladdu qoratay waa been, waa kuwii maalintii ugu horeysay ee 2014-kii aan kiiskaan u qoranay, waana kuwii soo qoray dacwadda, waxa dhimana waa dhageysi oo kaliya wax dambe oo la qoraayo ma jiraan, fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkadda ayaa looga dhawaaqay, marka umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay arinta Maxkamadda ee la siyaasadeynaayo yeysan idin niyad jabin go’aanka oo kaliya ayaa noo dhiman kaas oo lagu dhawaaqi doono 8 ilaa 12-ka June ee sanadka soo socda ee 2020-ka”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com