DF SOMALIA cashar ma ka baran doontaa siyaasada uu la ciyaaray SHARIIFKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyay shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu xumaaday xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaa jiray fursado dowladda ay ka faa’ideysan kartay.

Maadaama inta badan xubnaha golaha iskaashiga ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin, waxaa jiray fursaddo dhowr ah oo dowladda u banaanaa, laakiin Ciyaartii ugu horeysay ayaa muuqata inay ku guul dareysteen.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo ah shaqsi si weyn loogu yaqaan kala gedinta ciyaarta Siyaasadda Soomaaliya, ayaa farsamo cajiib ah kaga badbaaday dabin ay dowladda Soomaaliya la damacsaneyd 17 November.

Dowladda ayaa caqabad koowaad kala kulantay kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa ay keentay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo xilsaaray guddoomiyaha baarlamaanka inuu kala hadlo arimaha doorashada.

Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa xildhibaanada kulmay magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada  la dajiyay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Arintaasi waxay noqotay fursad uu helay Musharaxa ay doonayeen inuusan kusoo laaban hogaanka siyaasadda Koofur Galbeed.

Doorashooyin xiga ayaa la filayaa inay ka dhacaan Jubbaland iyo Puntland, waana labo maamul oo shaqsiyaadka hogaamiya aysan isku wanaagsaneyn dowladda Soomaaliya.

Arinta la isweydiinayo ayaa ah in madaxda dowladda ay ku waano qaadan doonaan haab ciyaareedkii ay kaga adkaan waayeen Shariif Xasan Sheikh Aadan oo hadda taagan meel lala gorgor tami karo, halka markii hore uu gacan ku gabad ahaa.

Mase Qaab ciyaareed cusub ayay ku wajahi doonaan Axmed Madoobe iyo Cabdi Welli Gaas oo bilooyi ka dib iyagana deegaanadooda doorashooyin ay ka dhici doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com