Wararkii ugu dambeeyay ciidamo Ethiopian ah oo gudaha u galay S/Land

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaareen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dowlad deegaanka kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi.

Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumayga.

Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen.

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shalay gaaray deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaaro colaada deegaanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid walbaa oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumayga iyo Saax Dheer.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com