DF Soomaaliya oo dhaqaale cusub dalbatay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale dalbatay dhaqaale cusub, kaasi oo kor loogu qaadayo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo saameynta cudurka Coronavirus/Covid-19.

Sii-hayaha xilka wasiirka maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta shir fogaan arag ah (Video Conference) la qaatay madaxda Bangiga horumarinta Islaamka, isagoona kala hadlay taageerada Bangigaasi uu siiyo dowladda federaalka.

Beyle iyo madaxda Bangigaasi ayaa isla qaatay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo kaalinta uu Bangiga Islaamka uu ku leeyahay gacan qabashada Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa diirada lagu saaray sidii xiligan ay Soomaaliya dhaqaale cusub uga heli laheyd Bangiga horumarinta Islaamka, isla markaana la dar-dar geliyo arrimaha lagu taageerayo Bangiga.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraal uu maanta baahiyay Wasiir Beyle.

Ma aha markii u horeysay ee wasaarada maaliyadu ay dhaqaale ka dalbato bangiga Islaamka, iyada oo muddo ku siman bil iyo bar ka hor ay xukuumaddu Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar ka dalbaday lacag lagu kabo miisaaniyada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ayaa daba socda midkii uu Beyle la yeeshay madaxweynaha Bangigaasi, kaasi oo looga wada-hadlay qaabka dowladda looga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka iyo weliba saameynta dhaqaale ee Covid-19.

Beyle ayaa xiligaasi Hajjar ka dalbaday inuu dowladda Soomaaliya ka caawiyo Bangigu sidii ay uga soo kaban laheyd saameynta dhaqaale ee cudurkaasi safmarka ah.