AQALKA SARE oo kashifay sababta KHILAAFKA kala dhaxeeya golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkii u danbeeyay muuqatay khilaaf u dhaxeeyay golaha aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka federalka, kaasoo salka u hayay qodobo dastuuri ah.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka waramay ujeedada rasmiga ah ee khilaafka kala dhaxeeya golaha shacabka isagoona farta ku fiiqay qodob dastuuri ah.

Cabdi Xaashi oo ka waramayay fadhigii shalay golaha joogtada ee Aqalka Sare la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in is-qabqabsigooda uu la xiriiro qodob dastuuri ah oo khuseeya meelmarinta sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Guddoomiue Cabdi Xaashi ayaa Golaha Shacabka ku eedeeyay in uu doonayo inuu sku-koobida ansixinta sharciga doorashada, dhankoodana ay rabaan in ay kaalintooda qaataan.

Dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa qeexaya in labada gole ee baarlamaanka federaalka ay wada ansixinayaan shuruucda doorashooyinka.

“Qodobka 47 ee dastuurka oo oronaya doorashooyinka iyo Axsaabta diiwaan-gelintooda waxaa xeer kasoo saaraya Golaha Shacabka, xaq bey u yeelanayaan labada aqal; laakiin sharci kasta oo la sameeyo oo qabyo ah baarlamaaka ayaa ansixiya; baarlamaanka Soomaaliduna waa laba aqal,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa awoodii baarlamanka kusoo koobtay golaha shacabka ee uu Mursal hoggaamiyo, oo xulufo la ah madaxweyne Farmaajo.

Aqalka Sare oo xubnahiisa ay soo doortaan dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ayaa metela danaha maamul goboleedyada dalka, waxaana dastuurka caddeynayaan in kaalin uu ku leeyahay go’aanada masiiriga ah.