CC Shakuur oo su’aal geliyey sababta loogu baahan karo ra’iisul wasaare cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa su’aalo ka keenay sababta loogu baahan karo Ra’iisul wasaare hadiiba masiirka dalka oo dhan loo daba fadhiyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabad sugidda. Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha NISA. Waxaa kulmay madaxweynihii hore iyo taliyaha NISA. Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya taliyaha NISA.”

Sidoo kale waxa uu su’aal ka keenay halka ku dambeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenkii ku simaha loo magacaabay, maadaama shaqooyinkaas looga baahnaa inuu qabto, “Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar?” ayaa qoraalkiisa ku yiri.

“Maxaase Raysalwasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan taliyaha NISA hayo? Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey.

Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Senator Cabdi Qeybdiid ayaa maanta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hor tegay Aqalka Sare weydiiyey suurta galnimada heshiis ay la gaaraan Madaxweyne Farmaajo, isagoo aan magacaabin Ra’iisul Wasaare.

Saciid Deni ayaa ku jawaabay “Reerkii lahaa jagada ra’iisul wasaaraha hadeeysanba raadineyn, aniga ruuxadeydu waxaan is iri hadda malaha ma rabaan nimankuye ka gudub, laakiin hadii sida aad sheegteen bahashii aad daneyeneysaan, codkiina si fiican haloo maqlo.”