Guddoomiye lagu dilay Beledweyne iyo kooxdii dishay oo dil iyo dhaawac loo geystay

Beledweyne (Caasmada Online)-Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dhex dilay gudoomiyahii deegaanka Hees, Cabdullaahi Bilig.

Koox hubeysan ayaa marxuumka ku dishay xaafadda Xaawa-Taako ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid laga dilay midna laga dhaawacay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka magaalada.

Ciidamada booliska ee ka howlgala Beledweyne ayaa durbadiiba gaaray goota uu dilku ka dhacay, waxaana halkaas ka bilaawday iska hor imaad dhex maray ciidamada iyo kooxda.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa laga dilay kooxdii hubeysneed ee dishay guddoomiyaha, halka mid kalena la dhaawacay, waxayna ku dagaalamayeen bambo gacmeedyo iyo qoryaha fudud, sida ay noo sheegeen saraakiishu.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda xaafadda Xaawa-taako ka wada howlgalo lagu baacsanayo kooxdaas, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka degmada Beledweyne.

Deegaanka Hees ee uu guddoomiyaha ka ahaa marxuumka la dilay ayaa hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkaas iyo iska hor imaadkii ka dambeeyey ee ka dhacay xaafadda Xaawa-taako oo ka tirsan xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.