DF oo iclaamisay dagaal kale oo weyn + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta qoraal kooban saaray ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay qorsheneyso inay qaado dagaal kale oo weyn, xilli ay haatan dagaal milari kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka socda gobollada Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay bilaabida howlgal lagula dagaalamayo musuqa, islama-markaana lagu ilaalinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

“Dawladdu waxa ay bilaabaysaa Dagaal kale oo Aad u xoogan kaas oo lagula dagaalamayo musuqa laguna ilaalinayo Hufnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu isla xiriiriyay musuqa iyo Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu dilaa yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan shaqsiyaad u hadla ama u dooda musuq-maasuqa iyo dadka sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Musuqu waa dilaa u shaqeeya Khawaarijta iyo kuwa u hadla!” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, siyaasiga Cali Yare Cali oo ay si weyn isku hayaan Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka falceliyay qoraalkiisa, isaga oo ku tilmaamay mid la yaableh

“Warkii ugu yaabka badnaa. Malaha warkale ayuu qori rabay.” ayuu ugu jawaabay Cali yare oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.
Soomaaliya ayaa marka hore laga hadlayo musuqa, waxay ku jirta waddamada uu la dagay, ayada oo kaalmaha u hooseeya ga gashay liiska sanad kasta lasoo saaro.