Dhageyso: CC Shakuur oo shaaciyey heshiis dhex-yaalla musharaxiinta qaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cabduraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, sababta uu isku soo sharaxay iyo waxa u qorsheysan ayaa sidoo kale ka hadlay nooca iskaashi ee midowga musharaxiinta  ay yeela karaan, xilliga doorashada.

Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in markii hore go’aanka Midowga Musharaxiinta uu ahaa in dalka ay doorasho ka dhacdo, mudo kororsigana laga hor tago.

Sidoo kale wuxuu sheegay in musharaxiinta aysan ku heshiin in qof ama xisbi gaar ah la dhiso, balse uu jiro is faham hoose oo dhanacyada siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku wajahaayaan doorashada.

“Midowga musharaxiinta labo u jeedo oo kaliya ayuu lahaa, 1 – in dalka ay doorasho ka dhacdo, 2 – iyo in mudo kororsiga la diido, wax kale ma jirin, labadaas qodoba waan ku guuleysanay, inkastoo lasoo maray jiitan dheer,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey suurta galnimada inay isku tanaasuli doonaan, oo xubnihii ku mideysnaa golaha midowga musharaxiinta ay hal hoggaamiye dhisi doonaan.

“Waxaa noo socda wadahadal ah in la is kaashado ah, dadku sida ay isku leeyihiin, dadka qaar siyaasadda isku deegaan ayey kasoo galeen, siyaasiyiinta qaar waa saaxiibo dhow, marka qof kasta qofka u dhow ayaan hadda ku tashanay inuu kaashado,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii la fiiriyo sidii ay u dhacday doorashadii guddoonka labnada Aqal ee BF aysan jirin fursad uu heysto Madaxweyne Farmaajo.

“Ma aragno xulufo uu hadda wato oo garab taagan Farmaajo, marka ka midowga musharaxiinta ahaan waxaa naga go’an in dalka ay doorasho ka dhacdo, in la is kaashadana waxay ku xiran tahay, hadba sida la isugu siyaasad dhowyahay, sida la isku yaqaano iyo sida siyaasadda loo wadaagi karo,” ayuu yiri Cabduraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka dhageyso wareysiga