Dhageyso: Macalimuu oo markii ugu horreysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday 16-kii Janaayo, islamarkaana dhaawiciisa loo qaaday dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad.

Maxamed Ibraahim oo ka qeyb-galay barnaamij dood ah oo ay Idaacadda Goobjoog ku qabatay Twitter Space oo looga hadlayey hoggaamiyaha wanaagsan oo ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ka hadlay xaaladiisa.

“Aad iyo aad ayaan u fiicanahay Isbitaalkii ayaan ku jiraa maadaama aan sariir iska saaranahay waxaa is iri dooda saaxiibadaa iska dhageyso, waxaa isoo jiitay mowduuca,” ayuu yiri.

Macalimuu ayaa sheegay inuu ka jabay gacan iyo lug, islamarkaana uu hadda sugayo qaliin lagu sameenayo, wuxuuna xusay in xaaladiisa ay soo fiicnaaneyso Maalinba Maalinta ka dambeyso.

“ Xaaladeeda maalinba maalinta ka dambeyso waa soo hagaageysaa, sidaas la socotaana Gacan iyo Lug ayaa iga jaban, firiradii yar yaraa waa la iga saaray, hadda waxaa la ii diyaarinayaa howlihii kale iyo qaliimadii marka xaalkeyga aad ayuu u wanaagsan yahay sida ay dhakhaatiirta sheegeen, waxaana rajeenayaa in inta dhimana uu ilaahey ii fududeeyo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay inuu la socdo in dadka Soomaaliya ay dhammaantood usoo duceeyeen.

“Waxaan ahay qof  masxkadiisa fiican tahay oo barnaamijkaan dhageysanayo, waan ogahay inaad iisoo duceyseen.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dhaawacay afhayeenka Xukuumadda, waxayna sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Hoos ka dhageyso codka Macalimuu