Dhageyso: Mid ka mid ah musharixiintii February 8 “Farmaajo wuxuu nooga baxay ballan aan galnay”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid Kamid Ah Musharraxiintii 8 Febraayo Oo Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Ballan Uga Baxay Musharraxiintii Isbedal Doonka Ahayd

Mid kamid ah musharrixiintii kursiga madaxtooyada u tartamay Febraayo 2017, ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu kaga baxay ballamo ay wada dhigteen.

“Dalkaan wuxuu u baahnaa is bedel macquul ah oo umadda aayatiin iyo iftiin u horseedo anagoo ka mid aheyn Midowgii Musharaxiinta madax banaan waxaa dhamaanteen heshiis hoose ku galnay nin alla ninkii naga mid ah oo guuleysta in talada dalka uu wax ka siinayo musharaxiinta kale, laakiin ma dhicin, wuu nagu ballan furay Farmaajo”ayuu yiri Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo labo jeer oo uu isa soo sharaxay sanadkii 2012 iyo 2017 uu ku guuldareystay inuu wareega koowaad ee doorashada ka soo gudbo.

Heshiiskaasi ayuu sheegay inay kamid ahayd in qof walba oo kamid ah oo guuleysta uu talada dalka wax ka siinayo musharrixiinta kale, taasna aysan dhicin isagoo carrabka ku dhuftay in Farmaajo sidii ay moodayeen uusan noqon oo waji kale uu ula soo baxay doorashada kadib waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warqaddaasi waxaa musharrixiintii la magac baxay isbedal doonka oo uu Dr Saciid, Farmaajo, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Bashiir Raage Shiiraar iyo rag kale ay ku jireen ka saxiixay Ridwaan Xirsi Maxamed oo dowladdii hore ee Xasan Sheekh ka soo noqday Raiysal wasaare ku xigeen iyo wasiirka diinta iyo awqaafta waa sida uu xusay Dr. Saciid.

Waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacda ay in badan oo ka mid ah ay aheyd mid dhaqaale, waxaa uu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu talada dalka wax ka siiyay dadkii maalgeliyay ololihiisa doorashada.

Dr. Saciid Ciise ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan iyo caado u tahay in marka siyaasi xil doonayo uu balan-qaad sameeyo, marka uu xilka ku guuleystana aanu balan-qaadkaas fulin oo uu ku ballan furo wixii uu sameeyay.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale in madaxweynaha markii uu ka baxay heshiiskooda uu muhiimadda siiyay dadkii waday ololihiisa doorashada iyo dowlado taageeray xilliga doorashada.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com