Dowladdii Xasan oo weli lagu leeyahay 5 milood mushaarka xildhibaannada baarlamankii 9-aad

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan bixin mushaarkii xildhibaannada Baarlamaankii 9aad oo gaareysa 5 bilood iyo weliba shaqaalaha dowladda sida ay xaqiijiyeen dib u eegis ay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ku sameeyeen Miisaaniyadda sanadka 2018.

Dib u eegis ay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ku sameeyeen Miisaaniyadda sanadka 2018 ee hadda hortaalla Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in in lagu soo daro mushaarka ka maqan xildhibaannadii hore iyo Shaqaalaha dowladda, iyadoo la dalbaday in lagu soo daro miisaaniyadda cusub.

Dowladdii hore ee Xasan Sheeikh Maxamuud ayaana lagu lahaa lacagtaas, waxaana la xasuustaa inuu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horey u ballan qaaday inuu lacagtaas bixin doono balse waxaa muuqato inaan weli la bixin.

XIldhibaanadii hore ee 9-aad ayaa ku noqnoqnayo Xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyagoo dalbanayo in la siiyo mushaarka ka maqan muddo aad u badan.

Qodobka Guddiga Maaliyadda ayaa u qornaa sidatan:

Sida ku cad qaraarkii Golaha Shacabka ee xeerkii ku noqoshada miisaaniyada 2017, Wasaarada Maaliyada kuma soo darin miisaaniyada cusub ee 2018 5tii bilood ee mushaaraadkii Xildhibaanadii Barlamaankii 9aad. Gudigu waxaa mar kale uu adkeynayaa in gunadii Xildhibaanadii Barlamaankii 9aad iyo xuquuqda shaqaalaha lagu soo daro miisaaniyada cusub ee 2018.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com