Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixintan ay soo gudbiyeen guddiga miisaaniayadda, maaliyadda, qorsheynta iyo la-xisaabtanka hey’adaha dowladda ee golaha shacabka, waxaa ay sheegeen in ay ku qaadatay 2 todobaad.
Guddiga waxaa uu sheegay in miisaaniyadda 2018-ka ee tiro ahaan dhan: $274,6 Malyan ay ku kooban tahay kharashaadka adeegga maamulka iyo difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan: $260.2 Malyuun oo u dhiganta 94.8% halka hadhaaga oo dhan $14.4 Miyan loogu talo-galay mashaariicda horumarineed taas oo u dhiganta 5.2% Miisaaniyadda 2018-ka.
Dakhliga Miisaaniyadda: Dakhliga miisaaniyadda waxaa uu ka kooban yahay canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyay, kaalmooyinka ama deeqaha iyo deymaha qaranka ka soo deynsado gudaha iyo dibadda.
Guddiga markii uu eegay sadaasha dakhliga gudaha ee miisaaniyadda 2018 oo ah $156 Malyan, waxaa u muuqatay isbedel kororsiimo maraka loo eego saadaashii ku noqoshada miisaaniyadda 2017 kaas oo ahaa $137 Malyan.
Marka la eego saadaasha deeqaha labada dhinac ee miisaaniyadda 2018 oo ah $62.4(Turky $20 Malyan, Qatar $10 Malyan iyo Sacuudiga oo $32 Malyan), waxaa ka muuqdo koror marka loo eego 2017 oo ahaa $38 Malyan.
Odoroska Deeqaha dhinacyada badan ee miisaaniyadda 2018 oo ah $56 Malyan, waxaa ka muuqda hoos u dhac oo miisaaniyadda 2017 waxaa ay aheyd $84 Malyan.
Saadaasha  Dakhliga  gudaha ee dalka guud ahaan waa $156 Malyan oo u dhiganta 57% halka ay saadaasha  dakhliga  dibaddu  tahay $118.6  Malyan  oo u dhiganta  43%  haddaba  taasi waxaa  ay muujinaysaa  in aan la xaqiijin karin  hal kudhigga  Miisaaniyadda  2018  oo ah “ku tiirsanaanta dhaqaalaheena”  maactaama  ku  talagalka  deeqaha  dibadda  ee Miisaaniyadda  2018  ay aad  u sareeyso.
Guud ahaan dakhliga  soo xarooday  10 bil ee ugu horaysay  sanadkaan  (Jan. -Oct.  2017) waxaa uu  gaarayaa  $182.9Malyan     oo  lamid  ah  bishiiba  celcelis   ahaan  $18.29   Malyan  taas  uu muujinaysa  in sanadkaan  guud ahaan saadaasha dakhligu  noqonayo  ku dhawaaad  $220 Malyan maadaama 2 biI oo kaliya ka hartay sanadka  sidaasi  dardeed waxaa ay u muuqataa in aan la gaari kari doonin saadaashi dakhliga ee ku noqoshada  rniisaanyadda  2017 oo ahayd $260 Malyan
Guddigu  waxaa  uu  soo  jeedinayaa  in  Wasaaradda  Maaliyaddu  dardar  geliso  howlaha  dakhli ururinta  maadaama  saadaasha  dakhli  ururinta  meelaha  qaar  ay ka  muuqato  hoos  u dhac  aan sababeysnayn  sida isgaarsiinta  oo sandihi  hore gaari jirtay 4.8 Malyan  hadana lasoo  qoondeeyay 3.5  malyan iyada  oo la filayay koror  maadaama 1a meel  mariyay  sharcigii  isgaarsiinta,  guddigu waxa uu clalbaday  in  lagu sameeyo  dib u eegis dhab ah.
Kharashka Miisaaniyadda:
Kadib  markii guddigu  uu falanqeeyay  kana baaraan  dagay habka qoondaynta  kharashaadka  waxaa usoo baxday sidan:
In kharashaadka Miisaaniyadda  aan  loo  qorshaynin   si  isku  dheelitiran,   iyada  oo  hay’adaha qaarloo  qoondeeyay  lacago  badan halka  kuwa u  xilsaaran  howlo  muhiim  ahna loo  qoondeeyay wax aad uga yar baahdidooda  dhabta ah sida  hay’adaha  Amniga  iyo Garsoorka.
Waxaa kale  oo guddiga  usoo ifbaxay in  aan habka  kharash bixinta  loogu dhaqmin si  waafaqsan Mudnaanta  kala horumarinta   kharash  bixinta sida  ku cad xeerka qoondada  Miisaaniyadda  2017 ee Golaha  Shacabku  meelmariyay.
Miisaaniyadda  2018,  waxaa kujira kharashaad  duuduub ah  oo aan lasoo  faahfaahin  oo ka badan $34 Malyan  taas oo ka hor imaanaya qaraarkii Golaha Shacabka ee lagu ansixiyay  ku noqoshadii Miisaaniyadii  2017  sidaas  darteed  guddigu  waxaa  uu  ka  dalbaday  Wasaaradda  in  dhamaan lacagahaas  lasoo faahfaahiyo  lana soo budget gareeyo.
Talo-soo jeedinta Guddiga:
Dhammaan  soo jeedimaha  soo  socda  waxaa  ay  noqonayaan  qaraar  marka Golaha  Shacabku  ansixiyo waxaana  la farayaa  wasaaradda  Maaliyadda  in  ay u fuliso  si goluhu  u ansixiyay  waxayna  kala yihiin sidatan:
Guddigu  waxa uu Golaha  ku wargelinayaa  in aan la fulin inta badan qaraarkii  Golahu  Shacabku ku ansixiyay  ku noqoshadii miisaaniyaadda  2017  sidaas darteed si loo kobciyo dhaqaalaha  dalka loona  ilaaliyo   hufnaanta   maaliyadda,  guddigu  wuxuu  aad  ugu  adkaynayaa   Wasaaradda dhaqangelinta  qaraarada  Golaha  Shacabaka  ee ku  wajahnaa  hagaajinta  hawlaha  dakhliga  iyo maarnulka kharashaadka  dowladda.
Guddiga  waxaa  usoo  baxday  in  Wasaaraddu  isticmaashay  dakhli  kayimid  ilo  aan  hore miisaaniyadda  2017  uga mid ahayn loona isticmaalay  khasrashaad aan hore uga mid ahayn Miisaaniyada   2017,   taas  oo  aan  waafaqsanayn  nidaamka  maaliyadeed  ee  dalka.  Haddaba guddigu  waxaa uu soo jeedinayaa  in aan dakhli  iyo kharash aan ka mid ahayn miisaaniyadda  la isticmaali  karin iyada  oo aan la horkeenin  Golaha  Shacabka  Jana budget gareynin  si waafaqsan qodobka 69aadee Xeerhoosaadka  Golaha Shacabka.
Sida  ku cad  qaraarku  Golaha  Shacabka ee  xeerkii  ku  noqoshada   miisaaniyada  2017,  Wasaarada Maaliyada  kuma   soo   darin   miisaaniyada cusub  ee   2018   5tii    bilood   ee  mushaaraadkii Xildhibaanadu Barlamaankii   9aad.   Gudigu    waxaa   mar   kale   uu  adkeynayaa   in  gunadii Xildhibaanadii  Barlamaankii  9aad  iyo  xuquuqda  shaqaalaha   lagu  soo  daro  miisaaniyada  cusub  ee 2018.
Sida  ku cad  qaraarkii  Golaha  Shacabka  ee  xeerka  ku  noqoshada  qoondada  miisaaniyadda  2017,  Goluhu  waxaa  uu  go’aamiyay  in gunnada  ciidamada   aan  darajada wax  ku  qaadan  lagu  kordhiyo konton  doolar  ($50)    bil  walba  laga  bilaabo  bisha  Nov.  2017,  balse  sida  ka  muuqata  qoondada ciidamada  ee  rniisaaniyadda  2018 Wasaaradda  Maaliyada  waxay  ka reebtay  korarsiimadaas  $50 doolar  ah ee Barlamaanku  ansixiyay.  Haddaba  gudigu  waxa  uu soo jeedinayaa  in la meelmariyo qaraarkii  Golaha  Shacabka.
Sida  ku cad  qaraarkii  GoIaha  Shacabka  ee  ku  noqoshada   Miisaaniyada  2017,  gudigu  wax a uu usoo  jeedinayaa  Wasaaradda  Maaliyadda   in  ay  usoo  gudbiso  Guddiga  Maaliyadda  liiska dayrnaha oo  faah  faahsan  iyo qorshaha  lagu  bixinayo  ugu danbayn  30 April  2018.
Sida  ku cad  qaraarkii  Golaha  Shacabka ee  ku noqoshada  Miisaaniyada  2017,  guddigu  waxaa  uu soo jeedinayaa  in Miisaaniyadda  Safaaradaha  loo qoondeeyay  lagu  shubo  akoomada  Safaaradaha ay ku leeyihiin   Bangiga  Dhaxe.  Safaaradii  aan akoon  lahayna  si deg deg  ah loogu  furo.
Guddigu  waxa  kale  oo  uu Golaha  u  soo jeedinayaa  in  wasaaradda  la  faro soo  diyaarinta   xeer Miisaaniyadeed  qaran  ka  horsanadka  2019  oo lagu  salayn  doono  gunno  xileedyada  Siyaasiinta  si waafaqsan  Xeerhoosaadka  Golaha  Shacabka.
Si  loo  ilaaliyo   xuquuqda  muwaadinka  iyo hufnaanta  maaliyadda  Dowladda  guddigu  wuxuu  soo jeedinay aa  in cidkasta  oo qaadatu mushaar joogto  ah ama  gunno  Dowladeed  (siyaasiyiin,  ciidan iyo shaqaalaha rayidka)   loo   furo   xisaab    (account)    u  gaar   ah   oo   si  joogta    ah  loogu shubo/wareejiyo.
G udiga  iyo  Wasaarada  waxay  isla  garteen   in  lacagta  3  Maly an  ah  ce  ku  qoran  Wasaarada Dastuurka  gaar  ahaan  madax  xigaha  qarashaadka  kale  loo  sarneeyo  xisaab  u  gaar  ah,  oo  loogu talo  galay   dib-u-eegista   iyo  dhaqangelinta  Dastuurka    ayna  si  wada  jir  ah  u  maamulaan Wasaarada iyo  gudiyada  Dastuurka.
Guddigu  waxaa  uu soo  jeedinayaa  in kadib  marka  la ansixiyo Miisaaniyaada  dib  loogu  qaybiyo Golaha   Shacabka  nuqulka   rasmiga  ah  ee  Goluhu   ansixiy ay  ka  hor  inta  aan  Ia  dhaqan  gelin Miisaaniyadda  2018.
Xogasho: Idaacadda Goobjoog
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

