Soomaaliya oo qarka u saaran in deymaha laga cafiyo iyo war kasoo baxa IMF oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in kulamo ay la yeesheen madaxda hay’adda IMF kuwaa oo qaatay muddo Shan maalin ah loogana hadlay arrimaha la xiriira deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka in maalmaha soo aadan la filayo in hay’adda IMF kasoo baxo war qoraal ah oo ku saabsan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay iyo sidoo kale arrinta ku aadan cafis loo sameynayo maadaama ay dowladda Federaalka kasoo baxday arrimo badan oo la hordhigay iney sameeyaan si looga cafiyo deymaha.

“Waxay dadka Soomaaliyeed ogsoon yihiin inaan heshiis kula jirnay hay’adda lacagta ee aduunka IMF, heshiiskaasi oo ah geeddi socod loo baahan yahay markaan meel ka gaarno in deymaha faraha badan leh ee la inagu leeyahay nalaga daayo ama habkii nalooga deyn lahaa wadadeeda la qabto iyo in lacagaha dalka horey loogumarinayo la inoo furfuro, waxyaabo badan baa markaa la inooga baahnaa inaan sameynno, geeddi socodkii kasoo bilaabmay bishii Shanaad ee ku dhammaanaya bisha Shanaad ee soo socota, laakiin imtixaankiisa ugu weyn uu ahaa iminka ayaan kasoo noqoney shirkeedi, geeddi socodkaasi dhowr qeybood ayuu u qeybsanaa, waxayse dulucdeedu ay tahay maamul wanaag dowladeed iyo gaar ahaan maamul wanaag xagga maaliyadda ah iyo ururinta lacagta, qarashka bixintiisa oo nidaam loo sameeyo iyo waxyaabo badan oo noocaasi ah ayaan heshiis kula jirnay, waxaa marka Shan maalmood aan joognay Nairobi, koox ka timid Washington oo hay’addaasi ah iyo Bankiga adduunka oo isna dhinac kaga jira iyo adduunyada oo dhegaha u taageysa Soomaalida bal waxa ay sameeyeen iney ka bixi karaan waxa la saaray, marka Shan maalin oo maalin walbo aroorti laga bilaabo illaa fiidki ayaan ku jirnay, waxyaabaha qaar aad bay inoogu adkeyd, laakiinse waxa bishaaradu tahay waxay weeye markii Shalay galab lasoo gabagabeeyey inaan kasoo baxnay waxyaabihii la doonayey inaan fulinno aan dhammaantoodba si wanaagsan u fulinney, shir jaraa’id ayeey qaban doonaan qoloda IMF, saakay ayeey noqonayeen, war-saxaafadeedna waa ay sameyn doonaan oo aan annaga Draft-giisa haynno” ayuu yiri wasiir Bayle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo dedaallo badan oo dalka looga cafinayo deymaha lagu leeyahay, iyadoo dowladda hadda jirta ay ku guuleysatay in deymihii hore ee dalka lagu lahaa aanay wax kale kusoo darin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com