Muxuu ahaa wiilkii dhallinayarada ahaa ee maanta lagu toogtay suuqa Bakaaraha?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wiil dhallinayo ah ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyada oo kooxda dilka geysatayna la xaqiijiyay in ay ka baxsadeen gudaha suuqa Bakaaraha.

Wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25-30 jir waxaana lagu dilay qeybta Bagaashka ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Wiilka la dilay uu u shaqeynayay Sharikad kuwa Nadaafadda ah oo magaceeda lagu sheegay Green Life.

Dilalka ayaa ku soo badanaya Muqdisho waxaana ugu dambeeyay Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo xalay lagu dilay Muqdisho,sidoo kale Habeen hore ayaa Muqdisho lagu dilay Gabar ka tirsaneyn Booliska Soomaaliyeed.

Habeen hore ayey aheyd markii Haweenay Boolis ah lagu dilay Xaafada Jaamacadaha Degmada Hodan, shalayna waxaa qarax lagu dilay Wariye ka tirsanaa Tv-ga Kalsan xaruntiisa Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com