Maxaadan ogeyn oo maanta ka socda magaalada Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa maanta oo arbaco ah in magaalada Hargeysa  lagu caleema-saaro Hogaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Somaliland ee la doortay 13 kii November.

Munaasabada ayaa ka qabsoomi doonta xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeisa, waxaana la filayaa inay ka qayb galayaan wufuud kala duwan oo ka kala imanaysa dhowr dal.

Mas’uuliyiinta maamulka u qaabilsan qaban qaabada munaasabada caleema-saarka ayaa xaqiijiyay in shaqsiyaadka ku casuuman ay ku jiraan Safiiro adduunka u fadhiya Somaliland.

Munaasabada ayaa waxaa laga jeedin doonaa Khudbado kooban oo looga hadli doono isbedelada ka dhacay deegaanada maamulka, iyadoo lasoo qaadanaayo taariikho kooban.

Hogaamiyaha cusub ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Hogaamiyihii 5aad oo ay yeelato Somaliland tan iyo markii sanada 1991-kii ay ku dhawaaqday gooni isku taaga.

Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna noqonaaya ku-xigeenkii 4-aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay.

Dhinaca kale, dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maamulka Somaliland ku boorisay inay hore usii wadaan doorashooyinka dimuquraadiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com