Qalbi-dhagax faahfaahiyey qaabkii ay u raali geliyeen Rooble iyo xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa mar kale sharaxaad cusub ka bixiyey qaabkii loo soo qabtay, isla markaana loogu dhiibay dowladda Itoobiya, kadib wareysi uu siiyey VOA.

“Hadda waan soo noqday,  dadka Soomaaliyeed kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin balaaran, waana ku qanacsanahay joogitaanka Muqdisho,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu ka sheegeeyey sida uu u sharfay, una raali geliyey ra’iisul wasaare Rooble, isagoo eedeymo culus u jeediyey Farmaajo iyo Kheyre oo markii la dhiibay dadka maamulayey.

“Nimankii xilka hayey ee cadowga ii dhiibay waxay iga dhigeen qof aan dalka waxaba ku laheyn, Rooble isagoo heysta awoodii Ra’iisul Wasaaraha wadanka ayuu gaboodfalkaas iga raali geliyey, wuxuu I huwiyey calankii aan jiritaankiisa u halgami jiray, wuxuu ii xaal mariyey sidii Soomaalidu isku xaal-mari jirtay,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in goobtii lagu go’aamiyey in lagu dhiibo, ONLF-na ay argagixiso tahay ay hadda ku raali geliyeen, Ra’iisul wasaare Rooble, golihiisa wasiirrada iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Qalbi-dhagax ayaa sheegay in waligiis uusan dhibaateyn qof Soomaali ah, oo xitaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay uusan waligiis ku lug yeelan, balse uu maanta ku faraxsan yahay in goobtii lagu dulmiyey lagu raali geliyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga