Dhageyso Waare: Koox yar ayaa is-mooda in dadka ay ka caqli badan tahay”

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay shirka Kismaayo, ayaa marka hore soo qaatay hadalo ah xasuusin oo ku saabsan Soomaaliya sida ay ahaan jirtay iyo sida ay hadda tahay.

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen qolo yar oo aaminsanaa in dadka ay ka caqli badan yihiin ka talo wanaagsan yihiin, laakin taasi ay sababtay dowlad la’aan nagu dhacday, sida uu hadalka u dhigay.

”In koox yar is moodo in ay dadka ka caqli badan tahay, ka wadaniyeysan tahay, kana talo wanaagsan tahay, waxaana ku wayn doonnaa dawladnimada, Qowmiyada Soomaali-nimada lawaayo, Khatarta na dul-taagan waa halis weyn, Waa in badbaado deg deg ah la helaa” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxdii kale ee dowlad goboleedyada ee shirka ka hadashay ayaa iyana waxa ay dhaliil u jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay faro-gelin toos ah ku hayso.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha maamulak Hir-Shabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com