Muqdisho: Weerar baabuur loo adeegsaday oo askar ka tirsan DF lagu laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banadir ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay degmadaasi ku dileen 4 Askari oo ka tirsanaa dowlada.

Dilka ayaa ka dhacay Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyada dilka geystay.

Maleeshiyada dilka geystay ayaa la soctay gaari Kaarib ah waxaana lasoo warinayaa inay rasaas ku fureen 4-ta askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj.

Maleeshiyada weerarka la beegsatay ciidankan oo ka tirsanaa qeybta Milatariga ayaa si deg deg ah goobta isaga baxsaday, kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidamada ammaanka.

Weerarka kadib ayey ciidanka ammaanka tageen  goobta uu falka ka dhacay, waxayna meydadka askartan geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Sidoo kale, ciidanka degmada ayaa bilaabay  hawlgal amni xaqiijin ah, islamarkaana lagu raadinayo raggii falkaas ka dambeeyay.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili labadii asbuuc ee ugu danbeysay ay magaalada Muqdisho marti galineysay Qaraxyo iyo dilal toosa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com