Maxaa ka jira in taliye ku-xigeen ka tirsan NISA uu fuliyey qaraxii Howlwadaag

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliye ku-xigeenka NISA ee degmada Howlwadaag Axmed Kheyr Cadow oo u waramaayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ay baahiyeen inuu ahaa ninkii isku Qarxiyay Xarunta Degmada Howl-wadaag.

Axmed Kheyr Cadow, oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka Dhacdooyinka ee habeenkii ka baxa Idaacada Risaala ayaa sheegay in Bogga Radio Dalsan lagu daabacay Sawirkiisa oo lagu dul qoray inuu ahaa ninkii isku miidaamiyay Xarunta Degmada.

Waxa uu Taliye ku-xigeenka Axmed Kheyr Cadow sheegay in dhammaan baraha bulshada uu ku baahay Sawirka iyo magaciisa oo dusha looga qoray  inuu ahaa ninkii ka danbeeyay Qaraxa Xarunta Degmada, hase yeeshee uu aad uga xun yahay in lagu xadgudbo qof ka shaqeynaaya amniga, hadana lagu tilmaamayo in isla degmadiisa uu ka fuliyay ismiidaamin.

“Aad ayaan uga xumahay in Idaacada dalsan ay iga baahiso inaan ahaa ruuxii isku Qarxiyay xarunta degmada, waxaan ka fiirsasho laheyn in anigoo ah Taliye ku-xigeenka degmada hadana aan geysto ismiidaamin” ayuu yiri Axmed Kheyr Cadow.

Axmed Kheyr Cadow, ayaa sheegay inuu aad ula fajacay warbixinta ceynkaasi, waxa uuna cadeeyay in fal celintiisa ay noqoneyso dacwad uu Maxkamada ka geyn doono Idaacada baahisay arinkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dacwada Idaacada uu u gudbin doono Maxkamada maadaama ay meel kaga dhaceen sharafkiisa, sida uu yiri.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka NISA ee degmada Howl-wadaag Axmed Kheyr Cadow, ayaa sheegay inuu aad uga carooday in isagoo ku shaqo leh amniga degmada hadana lagu tilmaamo dhagar qabe isku miidaamiyay arday iyo dad shacab ah, waxa uuna ku celcelshay inuu gudbinaayo dacwad heer Maxkamadeed,sida uu warkiisa ku sheegay.

Hoos ka dhageyso wareysiga Axmed Kheyr

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com