Dhageyso: Xildhibaano & wasiiro tagay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)- Waxaa maanta magaalada Jowhar tagay wafdi xildhibaano ah iyo wasiiro dowlaha wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada.

Axmed Meyre Makaraan, gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Caasimada  Online u sheegay xogta dhabta ah ee ay wafdigaasi u tageen magaalada Jowhar.

Axmed Meyre, ayaa sheegay iney u tageen sidii loo dardarn gelin lahaa dhismaha maamulka kaliya ee dhiman ee loo dhisayo Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxay wafdigaasi tagi doonaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe iyaga oo odayaasha kula kulmi doona degmooyinka ay ku sugan yihiin si looga dhaadhiciyo dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Dhexe
Caasimada@live.com