Saraakiisha Cadaado iyo Ethiopia oo is qabtay !

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Saraakiisha Ciidamada Maamulka iyo kuwa Ethiopia ee halkaasi gaaray.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu dhashay kadib markii Saraakiisha iyo Ciidamada Ethiopia, ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan fariisimaha ugu waaweyn Cadaado, taasina ay ka biyo diiden Saraakiisha Maamulka.

Arrinta xalinta Khilaafka ayaa waxaa gacanta kula jiro Mas’uuliyiin DF Somalia ka tirsan oo iminka ku sugan magaalada Cadaado, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Ethiopia ay ku adkeysaneyso inay hirgaliso damaceeda.

Saraakiisha Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ku andocoonaya in Amaanka uu yahay mid dayacan taasina looga talaabi karo in inta badan lagu wareejiyo fariisimaha ay hada ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka.

Geesta kale, Maamulka ayaan la dhacsaneyn Siyaasada ay wadaan Saraakiisha Ethiopia inkastoo DF Somalia ay si cad ula safan tahay hirgalinta damaca Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com