Ciidamadii sugi lahaa amaanka Villa Somalia oo loo daabulay magaalada Cadaado & Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, gaaray Boqolaal Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Ciidamada ayaa ka kooban Nabadsugida iyo Militeriga, waxaana garoonka Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen, Xildhibaano, Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Maamulka.

Ciidamada Madaxtooyada Somalia ka socdo, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan sugida ammaanka Magaalada Cadaado, bacdamaa maalinta Arbacada uu ka furmi doono shirka lagu doonayo in Maamulka Gobolada Dhexe lagu soo dhiso.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Magaalada Cadaado, iyadoona ay iska kaashanayaan Ciidamada DF Somalia, AMISOM iyo kuwa Maamulka.

Arrintaani oo idil ayaa imaaneysa, xili Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud maanta laga sugaayo Magaalada Cadaado, si maalinta bari ah halkaasi kaga furo shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com