Olole ka dhan ah Xasan oo ka socda Muqdisho!

Muqdiaho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka Somalia ee kasoo horjeeda DF, ayaa inoo xaqiijiyay in Magaalada Muqdisho ay kawadaan kulamo ay uga arrinsanayaan xaalada dalka, gaar ahaan Siyaasada Madaxweynaha ee ku qotonta dhismaha Maamulka G/Dhexe.

Xisbiyada ayaa kasoo horjeeda Siyaasada Maamulka loogu yagleelaayo G/dhexe oo sharci ahaan lala baal-maray Dastuurka, sida uu xaqiijiyay mas’uul xubin sare ka ah mid kamid ah Xisbiyada.

Mas’uulka ayaa tilmaamay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in DF Somalia ay gaarsiiyan in dhismaha Maamulkaasi uu yahay gaari hal dhinac u raran, islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah, balse aysan saamixi doonin.

Sidoo kale, waxa uu carabaabay in fakirka lagu hirgalinaayo Maamulka ay leedahay Dowlada Ethiopia, DF Somalia-na lagu cadaadinaayo inay hirgaliso damaca Siyaasadeed ay Ethiopia ka leedahay G/Dhexe, wuxuuna tilmaamay in Siyaasadaasi ay gadaal ka riixayaan xubno firfircoon oo ka tirsan Dam-Jadiid.

Ma uusan sheegin goorta saxda ah oo ay soo saarayaan qoraal ay u dhanyihiin islamarkaana kaga soo horjeedan, balse waxa uu sheegay in iminka uu socdo kulanka miro dhalkiisuna uu dhawaan soo bixi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com