DHAGEYSO: Xoghayaha Rugta Ganacsiga: “hadal aan ka sheegay Istanbuul ayaa la igu xiray Muqdisho”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayaha Rugta Ganacsiga iyo Warshedaha Soomaaliya sidoo kalena ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa maanta lagu xannibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xoghaye Shaafi, oo la hadlay Saxaafadda isaga oo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Muqdisho gaar ahaanna Garoonka Aadan Cadde maanta loogu xiray hadal uu ka jeediyay shir ka dhacay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Waxaa uu sheegay in shirkaasi uu kaga hadlay caqabadaha heysta Ganacsatada Muqdisho oo canshuurta lagu kordhiyo inta badanna waddooyinka laga xiro,taas oo uu sheegay in aysan isqabaneyn.

Shaafi Raabi ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar uu ka hadli doono arrintiisa.

Shaafi ayaa sidan oo kale Bartamihii sanadkan mar lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga oo ka soo laabtay Dalka Belgium-ka,halka maanta uu ka soo laabtay Dalka Turkiga.

Halkaan hoose ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com